DF Soomaaliya oo shaacisay in lasoo afjaray weerarkii xeebta Liido

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii xooganaa ee xalay Al-Shabaab ku qaadeen hoteel ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Weerarkan ayaa sidoo kale dhaliyay khasaaro tiro badan oo soo gaaray shacabkii ku sugnaa xeebta Liido oo xalay u Jimceystay halkaasi.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

Ciidamada Ammaanka ayaa goor dhow soo afjaray weerar ay kooxaha Khawaarijta kusoo qaadeen shacab ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa toogtay 5 Khawaarij oo ahaa dhagarqabeyaashii weerarka soo qaaday halka dhagarqabe kalena uu naftiisa ku haligay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina uu saameeyey shacabkii xeebta ku caweynayey.

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in weerarkii Argigixiso ay Ciidammadu soo af jareen goor dhow islamarkaana ay dadkii ugu badnaana ay Ciidanku soo bad baadiyeen.

Dhinaca kale Ciidammada ammaanka ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa ay Khawaarijtu kusoo diyaarsadeen si ay Shacabka Caasimadda ugu wax yeeleeyaan. Waxaana ciidammada ay gacan ka geysteen in dhaawacyada loo gurmado oo isbitaallada la geeyo.



Source link