DF Soomaaliya oo liiska cuna-qabateynta ku dartay shaqsiyaad cusub + Magacyada

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaqsiyaad cusub ku dartay liiska madow ee cunna-qabateynta maaliyadeed ee qaran, sida lagu soo saaray faafin rasmi ah.

Shaqsiyaadkan ayaa xilal sare ugu magacaaban kooxda Al-Shabaab, waxaana liiska cuna-qabateynta ku daray guddiga qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada (GQKLDH/LMA).

Saraakiishan Shabaab-ka ayaa waxaa ugu sareeya Abuukar Cali Aadan oo looga garan ogyahay ‘Xijaama’, waana ku-xigeenka horjoogaha kooxda, waana ninka ku xigga ninka Amiirka u ah ururkaan ee loo yaqaan Abuu Cubeyda.

Sidoo kale waxaa liiskan kasoo dhex muuqday oo ku jira horjoogaha Shuuradda ee kooxda iyo kan Wilaayaatka oo lagu kala magacaabo Xasan Yacquub (Abuu Cabbaas) iyo Maxamed Mire Jaamac (Mire).

Cuna-qabateynta lagu soo rogay shaqsiyaadkan ayaa waxaa gol-leeyahay in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada iyo in xoojinta dagaalka dhanka maaliyadda, sida uu lagu sheegay bayaan kasoo baxay guddiga qaran.

“Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo islamarkaana la cuna-qabateeyo shakhsiyaadka iyo hay’addaha taageera argagixisada, si sare loogu qaado nabad-galyada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Waa markii labaad ee guddiga qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada uu soo saaro magacyada dad la saaray cuna-qabateynta maaliyadeed, kana tirsan kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso magacyada shaqsiyaadka la saaray cuna-qabateynta;



Source link