DF SOOMAALIYA oo ka digtay cudur halis ah oo lagu arkay…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka digtay halista cudurka Daanyeerka (Monkeypox) oo sidoo kale loo yaqaan Busbus, kaas oo kusii fidaya Qaaradda Afrika oo ay ku jiraan dalalka dariska ah.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in cudurkan uu yahay fayras laga qaado xoolaha inta badan wuxuuna hadda ka jiraa bartamaha iyo galbeedka Afrika.

Wasaaradda ayaa sidoo kale bulshada Soomaaliyeed uga digtay halista xanuunkan, waxayna siisay talooyin, ayada oo sidoo kale soo bandhigtay caalamadaha lagu garto.

“Muwaadin Xanuunka Monkeypox (Mpox) waa cudur fayras ah oo laga qaado xoolaha inta badan waxa uu ka dhacaa Bartamaha iyo Galbeedka Afrika, hadase waxa uu u muuqdaa mid qatarihiisu sii badanayaan. Muwaadin si aad waxbadan uga ogaato Calaamadaha Mpox iyo waxa uu yahay fadlan ka eeg Poster-ka hoose” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa dalbaday qofkii arka cudurkaasi ama astaamihiisa in uu si degdeg ah ula soo xiiiro wasaaradda, waxaana dadka looga digay in ay u dhawaadaan qofka uu ku dhaco cudurkaasi.

“Fadlan hadii aad aragto Calaamadaha hoos ku xusan lasoo xiriir Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” ayaa mar kale lasii raaciyay warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan cudurka uu gaaray dalal ay ku jiraan Kenya iyo Uganda, waxaana jirta cabsi laga qabo in Soomaaliya usoo gudbo.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa hadda sare u qaadaysa dadaallada ka hortagga cudurka furuqa daanyeerka (Mpox) kadib markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah oo ka jirta Afrika.



Source link