DF oo weji kale u yeeshay fadeexadda hubkii lagu boobay Caabudwaaq

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Warbixin cusub oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isla markaana ciwaan looga dhigay “Xog bixin diblumaasiyadeed” ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan hubkii dhowaan lagu boobay duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u gacan galay maleeshiyaad iyo shacab.

Warxbixintan ayaa weji cusub u yeeshay fadeexadda ka dhalatay hubkaasi oo gaartay meeshii ugu darnayd, maadaama ay kusoo aaday kadib qaadistii cunaqabateynta hubka.

Qoraalkan oo ka koobnaa laba bog ayaa waxaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaraddeeda arrimaha dibadda ku sheegtay in hubkaasi ay si sharci darro ah dalka kusoo galay dowladda federaalka Itoobiya oo haatan ay xiisad kala dhexeyso Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya si toos ah u sheegto in hubkaasi ay dalka soo gelisay Itoobiya, halka warsaxaafadeedkii hore ay ku sheegtay in hubkaasi ay dalka soo geliyeen ganacsato, isla markaana uu dalka kasoo galay dhinaca Itoobiya.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay hubeyneyso maleeshiyaad beeleedyada, sidoo kalena hubka ay soo gelineyso uu halis ku yahay amniga gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dowlada Itoobiya in ay ka waantoowdo faragelinta ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay kamid tahay tababarida iyo qalabeynta maleeshiyaad beeleedyada soo gelinta hubka sharci darrada ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa lasii raaiyay “Tani waxay dhiirogelineysaa isku dhacyada beelaha iyo abuurista xasillooni darro ku baahda gobolka iyo soo nooleynta argagaxisadasii liiceysa”.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dadaalka dowladda iyo tallaabooyinka ay qaaday, kadib markii la bililiqeystaas hubkaas oo xaddi ahaan aad u tiro badan, waxayna sheegtay inay qaaday dhowr tallaabo, wafdina ay u diray Caabudwaaq, si hubka loo soo celiyo.

Hadalkan ayaa uga sii daraya xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan ka dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiiskii uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

 

 



Source link