Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa ku wargelisay umadda Soomaaliyeed in shaqsiga magaciisa la yiraahdo Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan oo mar ahaan jiray la-taliyaha barnaamijka dhaqancelinta iyo isa soo dhiibayaasha Serendi xukuumadii hore laga soo bilaabo bilowgii sanadkii 2021-kii, ilaa bilowgii sanadkii 2022-kii, shaqada laga eryay Bishii Maarso 2022-kii.
“Sidaas darteed waxaan u cadeeyneynaa dadka Soomaaliyeed iyo cid walba oo uu la xiriiray in uusan hadda u aheyn xukuumadda Dan-Qaran la-taliye ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Amniga Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa habeen ka hor xili saqdii dhexe weeraray guri uu magaalada Beledweyne ka deganaa nin sheegtay madaxweynaha maamul uu ugu magac daray Hiiraan State, kaas oo la ogaaday in Itoobiya uu gacan saar la leeyahay.
Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan ayaa lagu magacaabaa ninkaas, waxaa calay gurigiisa u dhacay ciidan ka tirsan hoggaanka sahanka iyo sirdoonka ciidanka xoogga dalka, balse kuma guuleysan inay qabtaan.
Gurigii loo dhacay ee ninkaasi deganaa waxaa loogu tegay aqoonsigiisa oo (la-taliye wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya) ay ugu qoran tahay, Calanka Itoobiya iyo agabyo kale oo ciidan, balse xiliga la galay gurigiisa waa uu ka maqnaa.
Saraakiil ka tirsan ciidankii howlgalka fuliyey ayaa Wararka Maanta u xaqiijiyey in ninkaasi uu u baxsaday dhanka magaalada Feerfeer, waxaana dabagal ku haya ciidanka xoogga dalka.
Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayey waaran soo qabasho ah ka wateen ciidanka xalay guriga u dhacay, waxaana ciidanka lagu amray inay soo qabtaan ninkaas iyadoo wax khasaare ah uusan dhicin.
Sida ay ogaatay Wararka Maanta, sarkaalka xalay gurigiisa la weeraray waxay Itoobiya u balan qaaday inay u tababareyso ciidamo maleeshiyaad ah oo dhowr kun ah, si danaha Itoobiya ee gudaha Soomaaliya loogu adeegaado.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in dowladda Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado qorshada maleeshiyaad u fuliya danaheeda gaarka ah, taasna ay ka hortegi doonto dowladda Soomaaliya.
Dhowaan dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay sarkaal ka tirsanaa safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, kaas oo ku howlanaa abaabulka ciidamo maleeshiyaad ah oo gudaha Soomaaliya uu ka waday, waxaana ku fahantay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa TV-ga Qaranka u sheegay in lix bilood ay ninkaas ku raad-joogtay dowladda Soomaaliya, si loo ogaado waxa uu ka shaqeynayo, taasi oo fududeysay in ugu dambeyntii dalka laga ceyriyo.