DF oo wafdi culus u dirtay Jowhar kadib dhibaatadii ka dhacday + Video

Posted on

Jowhar (Wararka Maanta) – Wafdi culus oo ka socda dowladda Soomaaliya, isla markaana uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxamuud Macallin oo wafdigiisa ay qayb ka yihiin hay’ado caalami ah ayaa waxaa garoonka magaaladaas kusoo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka HrShabelle.

Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka safarkooda uu la xiriiro qiimeynta dabkii xooganaa ee maalin kahor ka kacay suuqa wayn ee Jowhar, wuxuuna booqday goobaga gubtay.

“Dabcan waa xaalad xanuun badan, waana xaalad soo noq noqtay waxaana garanay inaan soo aragno marka hore sida ay wax yihiin, waana ogtihiinoo waxaan la taacaleynay qaraxiii ka dhacay Liido” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda SoDMA.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jawaab ka bixin doonaan musiibadaasi, isla markaana ay garab istaagi doonaan ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi.

“Waxa jiro waxaan ku arki doonaa indhaheyna, kadib ayaan tallaabo qaadi doonaan, si aan uga jawaabno baahiyaha jira” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Dabka ayaa si gaar ah u sameeyay makiinado lagu shiido Sisinta, waxaana gobtay boqol loor oo Sisin ah oo ay lahaayeen ganasatada suuqa wayn ee magaalada Jowhar.

Suuqan ayaa horay sidaan oo kale ugu gubtay, waxaana madaxweynaha HirShabelle oo goobta tegay isla maalinta ay dhibaatada dhacday uu sheegay in la baarayo waxa soo cel-celiyay gubashada suuqa Hnatiwadaag ee magaalada Jowhar



Source link