DF oo wafdi culus u direysa Caabudwaaq iyo qorshe culus oo socda

Posted on

Caabudwaaq (Wararka Maanta) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u direysa magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, si ay ugu baxaan xiisadda ka dhalatay hubkii lagu boobay duleedka degmadaas ee u gacan galay shacabka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online wafdigan oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa waxaa hoggaamin doono wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo beeshiisu ay dagto halkaas, isaga oo u tegayo qorshaha dowladda ee soo celinta hubkaasi.

Qaban-qaabadii ugu dambeeyay ee safarka wafdigan oo marka hore kusii hormari doono Dhuusamareeb ayaa haatan ka socota Muqdisho, waxaaa dadaalladan qayb ka noqon doonto Galmudug, gaar ahaan wasiirka amniga maamulkaas Maxamed Aadan Gaboobe.

Ujeedka ayaa ah inay la fariistaan waxgaradka deegaanka, ayna ka hadlaan xaaladda taagan iyo halista ka dhalan karta hubka la boobay ee haddana u gacan galay shacabka.

Dowladda federaalka waxa ay horay u sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, ayna u mari doonto qaab wada-hadal ah iyo inay la tashato waxgaradka Caabudwaaq.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah” ayaa horay loogu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa arrintan kasoo jawaabay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah Ugaaska guud ee Beesha Sade oo nasiib darro ku tilmaamay in dowladdy ay u goodiso shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay waqooyiga Galgaduud.

“Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay waqooyiga Galgaduud,16-kii July 2024, hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Galmudug iyo dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo dhaliyay walaac, maadaama uu galay gacanta shacabka.



Source link