DF oo shaacisay maalinta ay bilaabaneyso inay jarato canshuurta iibka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18/08/2024 ay bilaabaneyso inay dowladda si toos ah u jarato canshuurta iibka.

Canshuurtan oo dhan 5% ayey sheegtay dowladda inay kala baxeyso koontooyinka ganacsi, isla marka uu macluumka uu bixiyo adeega uu iibsanayo, ayada oo lacagta canshuurta iibka lagu dalacayo muwaadiniinta.

“Wasaaradda ayaa ku guuleysatay in nidaamyadda badeecootinka iyo adeegyadda lagu kala gato ee loo yaqaano koontooyinka ganacsiyadda (Merchant Accounts) si toos ah uga jarato canshuurga wakhtiga ay dhaceyso kala gadasho kasto oo ay sameynayaan ganacsiyadda iyo macaamiishoodu,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in lacagaha canshuurta ah ee sida tooska ah uga jaraneyso ay ku dhaceyso khasnadda dhexe ee dowladda.

“Wasaaradda waxay ku wargelinaysaa dhamaan ganacsiyadda kala gedisan in laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 18-ka Agoosto, 2024 ay qaan-sheegad kasto oo ay macaamiishoodu alaa ku gadanayaan ay ku dadaan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadida, si looga baaqsado in ganacsadaha lacagtii uu amaabta ku gatay ay uga go’do canshuur ahaan.”

Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka “Si taas lamid ah waxaa la ogeysiinayaa macaamiisha ganacsiyadda iyo muwaadiniinta in wasaaraddu si toos ah u dhaqan-gelin doonto qaadida canshuurta gadida.”

Maalmo kahor unbeyd aheyd markii ganacsatada caasimadda iyo wasiirka maaliyadda ay ku kala kaceen kulan looga hadlayay jarista canshuurta iibka.

Kulankaas oo looga hadlay cabashooyin ay mudooyinkan qabeen suuqleyda oo ay ugu danbeysay canshuurta iibka 5% ee dhawaan la so kordhiyay, ayuu wasiirka maaliyadda ku gacan sayray in dib loo dhigo waqtiga loo qorsheeyay bilaabidda canshuurta iibka ee laga jarayo iibkasta oo la sameeyo ilaa inta natiijo laga gaarayo wada-hadallada.

Si kastaba, tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay weli dowladda iyo ganacsatada isku fahmi la’yihiin canshuurtan jarashadeeda loo marayo koontooyinkooda ganacsi, taas oo dhinaca kalena culeys horleh ku ah bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed.



Source link