Muqdiaho (Wararka Maanta) – Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qorshaha sahminta iyo soo saaridda shidaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in gudaha bisha dhalaneysa ee September uu dalka soo gelayo Markabkii Turkiga ee sahminta ku bilaabi lahaa shidaalka Soomaaliya, kaas oo sahmin kadib bilaabi doona qodista shidaalka Soomaaliya.
Wasiirka Cabdirisaaq oo ka qeybgalay kulankii bandhigga waxqabadka xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey fursadaha Soomaalida ugu jira heshiiskii ay la gashay Turkiga, hadii uu dhaqan-galo.
“Dadka ugu horeeya ee heshiiskaas ka faa’iideysanaya waa dhalinyarada Soomaaliyeed oo shaqo abuur ka heli doona shidaalka dalka laga qodayo. Lacagaha ka soo xaroonaya waxay noqo doonaan kuwo lagu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha dalka, dalalka ugu horeeya dhaqaalaha dunida ayaan ka mid noqo doonaa,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar.
Heshiiskaan rajada ku abuuray dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa Ankara lagu kala saxiixday 18-kii July 2024, waxaana lagu wadaa inuu dhaqan galo inta lagu guda jiro bilaha ugu dambeeya sanadkaan 2024-ka.
“Dhamaadka bishaan September waxaa dalka imaanaya Markabkii sahminta shidaalka ka bilaabi lahaa badda Soomaaliya, labo ilaa saddex bilood ayey Markabkaas ku qaadaneysaa baarista Shidaalka, kadibna waxaan rajeyneynaa in bilowga sanadka 2025-ka uu dalka ka bilowdo qodista shidaalka,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay markii ugu horeysay ku biireyso Hay’adda caalamiga ah ee Atoomikada ama Nukkeyrka Adduunka, taas oo horay dalalka caalamka ay ugu wada biireen, markii laba reebo afar dal oo Soomaaliya ay ku jirto.
Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan heshiisyo badan oo Soomaaliya ay la gashay Caalamka, sidoo kale wuxuu sheegay in dhowaan ay wasaaraddiisu horgeynto golaha wasiirrada sharciga Macdanta Soomaaliya, kaasi oo ka madax badnaan sharciga Batroolka oo hadda heshiisyo waaweyn oo kan Turkigu ku jiro lagu galay.
Hoos ka daawo