DF oo shaacisay goorta ay dhacayaan doorashooyinka maamul goboleedyada

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay arrimaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada waxayna shaacisay goorta ay dhacayaan doorashooyinkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka qurbejoogta ee magaalada Dooxa ayaa sheegay in haatan dalka uu aadayo doorashooyin, isla- markaana ay noqonayaan kuwa ay ka qayb qaataan shacabka.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in doorashooyinkaas lagu bilbaabi doono kuwa maamul goboleedyada dalka, ayna dhacayaan dhammaadka sanadkan 2024-ka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshuhu yahay in la qabto doorashooyinka dowladaha hoose, si ay shacabka usoo doortay hoggaamiyeyaasha deegaankooda.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu tilmaamay inay qaaday tallaabooyinkii ku haboonaa ee doorashooyinkan, isla- markaana la diyaariyay sharciyadii lagu hagi lahaa.

“Todobaadkan sharcigii doorashooyinka iyo sharcigii xisbiyada waa la dhammeeyay horay-baa la rabaa inay usii socdaan waxaan rajeyneynaa sanadkan aakhirkiisa dowladihii hoose iyo dowlad goboleedyadii iyo dowladda dhexaba inay doorashooyinkaas noqdaan kuwo dadka u siman yihiin qof walbaa codkiisa aan la metaleyn” ayuu yiri Fiqi.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in wax badan laga qabtay amniga dalka, sidoo kale guul laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo muhiim ah doorashooyinka dalka.

“Amniga waxaa la xoreeyay 400 oo kiilo mitiri ka dheer, darraad baad arkeyseen kooxihii Khawaarijta oo inta soo weeraray ciidamadii Jubbaland sida loo galay waad aragteen’ ayuu mar kale yiri wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka taagan tahay xiisad wayn oo siyaasadeed, isla markaana hoggaanka dowladda federaalka lagu eedeeyay inay iyagu hortaagan yihiin qabsoomidda doorashooyinka maamullada dalka oo dib loo dhigay.




Source link