DF oo qabatay nin Itoobiyaan ah oo wata ‘Tattoo’ kana tirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Posted on

Buuloburde (Wararka Maanta) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta nolosha ku qabtay dhagarqabe Khawaarij ah oo u dhashay qowmiyadda Oromada ee Itoobiya.

Arrinta ka yaabisay ciidanka waa in ninkaas ay jirkiisa ku qoran tahay caalamadda Tattoo oo gaalada dhaqan u ah, halka ninkaan uu la socday koox sheegata inay ku dagaalamayaan islaamnimo.

Howlgalka lagu qabtay dhagarqabahaan ayaa ka dhacay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana loo kaxeeyey dhanka Buuloburde, si loogu gudbiyo Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo jab culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ka socday gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka maanta ninkaan lagu qabtay ee Beerayabaal.

Taliyaha ciidanka dhulka oo goor sii horeysay ka hadlay howlgalka ka socda Beerayabaal ayaa sheegay in halkaas lagu jebiyey argagixisada, isla markaana lagu guuleystay in galbeedka loo dhaafiyo wabiga Shabeelle.

Ciidanka xoogga dalka waxaa dagaalka ka socda aagaas ku garabsiinaya dadka xaq u dirirka ah ee reer Hiiraan, kuwaas oo ku guuleystay inta badan dhulkooda inay ka xoreystaan cadowga.

Al-Shabaab ayaa ku jabay Hiiraan, sababtuna waa kacdoonka shacabka oo dhiirigelin iyo garaba u noqday ciidanka qaranka oo waajibka koowaad ka dhigtay dabargoynta cadowgaan argagixisada ah.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa xaq u dirirka reer Hiiraan ayaa qorsheyneysa in maalmaha soo socda uu galbeedka Hiiraan ka bilowdo howlgal culus oo lagu soo afjarayo Khawaarijta, waxaana socda abaabul ciidan oo culus.



Source link