DF oo Muqdisho ku xirtay maamullada 4 Isbitaal oo waa wayn + Sababta

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga loo taxaabay maamullada afar isbitaal oo waa wayn oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlayay canshuuraha iibka ee ay soo rogtay dowladda federaalka ayaa sheegay in xittaa ay saameysay bukaanada ku jira isbitaalla, isaga oo sheegay in arrintaas muddo saddex maalin ah loo xiray maamullada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, kuwaas oo hadda dib u helay xoriyadooda.

“Saddex maalin waxaa xirnaa maamulayaasha isbitaallada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, ka dib markii ay diideen in ay bukaannada ka qaadaan canshuurta iibka adeegga caafimaadka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay :Waxay maraysaa in bukaan ay dowladdu siin waysay adeeggii caafimaad ee uu xaqa ugu lahaa uu markuu jirado ee uu jeebkiisa iska daawaynayo laga qaado canshuur”

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay madaxda wasaaradda maaliyadda iyo agaasimeyaasha isbitaallada ay ka wada-hadleen sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in Dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Barig Afrika.

Hoose ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhammeystiran:-

Dowladdu waxay canshuur ka qaaddaa badeecadaha ka soo dega dekadda iyo garoonka diyaaradaha, goobaha ganacsiga, guryaha iyo gaadiidka, waxay lacag ka qaaddaa adeegyada kale ee dadwaynaha, waxay madaxda dowladdu iibiyaan hantidii shacabku lahaa ee danta guud, dhul iyo dhismayaal.

Canshuurta laga qaado shacabka iyo hantida ummadda ee la iibiyo midkoodna looguma adeego, waxaana caddayn u ah in labadii isbitaal oo weligood adeegga caafimaad ee bilaashka ah bixin jiray (Banaadir iyo Martiini) lacag laga dhigay.

Intaas kuma ay ekaan ee waxaa Saddex maalin xirnaa maamulayaasha isbitaallada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, ka dib markii ay diideen in ay bukaannada ka qaadaan canshuurta iibka adeegga caafimaadka.

Waxay maraysaa in bukaan ay dowladdu siin waysay adeeggii caafimaad ee uu xaqa ugu lahaa uu markuu jirado ee uu jeebkiisa iska daawaynayo laga qaado canshuur.

Tani canshuur maaha, dawladnimo maaha ee waa Isbaaro iyo madax furasho, shacabka xusuusinaysa waayihii hoggaamiye kooxeedka.

Dulmiga caynkaan ah oo la diidaa waa dawladnimo.

 



Source link