DF oo maxkamadeyneysa Agaasime loo heysto maal-gelinta Al-Shabaab

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa bilowday maxkamadeynta nin agaasime ka ahaa mid ka mid ah wasaaradaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo loo heysto inuu la shaqeeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Ninkaas oo lagu magacaabo Cabdinuur Fooley ayaa loo heystaa inuu akoon u furay kooxda Al-Shabaab oo u soo dhexmartay nin ay qaraabo yihiin, balse hadda uusan garaneyn meel uu jiro.

Guddoomiyaha Maxkamadda Salax Dabaan ayaa su’aalo adag weydiiyey Agaasimaha lasoo taagay maxkamadda, balse wuxuu ku guul dareystay inuu iska furto kiiskaan adag ee uu ku jiro.

Cabdinuur ayaa xitaa garan waayey abtiriska ninka uu sheegay inay qaraabo yihiin oo Akoon uu uga furay Salaam Bank.

Dowladda ayaa ogaatay in akoonkaas la marsiiyey lacag badan oo Shabaab ay leeyihiin, ayaa Baydhaba ka soo qabatay Agaasime Cabdinuur oo maxkamadeyntiisu ay ka socoto Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa eedeysanaha weydiiyey halka uu ku nool yahay ninka uu akoonka u furay ee qaraabada ay yihiin, wuxuuna ku jawaabay in markii ugu war-dambeysay uu ganacsi ku leeyahaa deegaan hoos taga degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey magaca ninka uu akoonka u furay ee qaraabadiisa uu ku sheegay, balse wuxuu garan waayey magaca dhameystiran iyo halka ay qaraabo ka noqdeen.

Maxkamadda ayaa la horkeenay cadeymo sawirro wata oo muujinaya nin agaasime Cabdinuur uu qaneecadiisa ku furay akoonkaas ay Shabaab lacagaha ku shubteen, balse maanta uusan garaneyn ninkii uu u furay.

Agaasime Cabdinuur Fooley waxaa weli socota maxkamadeyntiisa, waxaana suurtagal ah in maalmaha soo socda mar kale la hor keeno maxkamadda, sidoo kale waxaa soo bixi kara xukun adag oo Cabdinuur uu ku muteysa karo kiiskaan xasaasiga ah.

Dowladda Soomaaliya dhinacyada ay kala dagaalameyso Al-shabaab waxaa kamid ah dhanka maaliyadda, waxaana aad loo baacsadaa akoonada ay lacagaha dhigtaan, dadka u fura, dadka lacagaha ugu dira iyo dadka ay lacagaha u dhiibtaan, sidaan oo kale ayaa marar badan maxkamadaha dalka loo horgeeyey loona xukumay dad lagu helay inay la shaqeeyeen Al-Shabaab.

Hoos ka daawo



Source link