DF oo laga dalbaday inay ciidamo gayso Bakool kadib tallaabadii maamulka Laftagareen

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Maxamed Abuukar oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada koonfur Galbeed ayaa si adag uga hadlay dibad-baxii ay shalay soo abaabushay Koonfur Galbeed ee ka dhacay degmada Xudur, kaas oo lagu diiday ciidamada Masar, balse lagu soo dhaweeyay ciidanka Itoobiya.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday i n arrintaan aysan raalli ka ahayn, isla markaana shacabka ay metalaan looga faa’iideystay daruuf amni oo ku geedaaman, wuxuuna xusay in Itoobiya ay tahay midda kusoo xadgubtan madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Maanta Itoobiya iyada ayaa ka gar darran Soomaaliya oo aduunkana waa ogyahay Soomaalina waa og tahay in madax banaanideeda qarameed iyo baddeeda lagu soo gar darooday wax Soomaali raali ku noqoneyso ma’aha, shacabka aan mataleyno raalli kama ah daruufbaa looga faa’iideystay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dowladda federaalka, isaga oo ka dalbaday inay ka hortegto arrintan, isla markaana ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab iyo Gorgor ay si deg-deg ah ku geyso gobolka Bakool.

“Hal farriin baan rabaa inaan halkan ka diro dowladda Soomaaliyeed waajib baa idinka saaran sida hadaba laga bilaabay gobollada ciidamada Soomaaliyeed maanta la tababaray amnigooda ay ku filan yihiin waxaan codsaneynaa in si deg-deg ah gobolka Bool ciidamo loo geeyo, weliba ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo Danab iyo Gorgor ay kamid yihiin” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe, go’aanka ciidamada baxaya iyo kuwa imaanayana laga rabo iyada, wuxuuna xusay in dowlad goboleed uusan geli karin arrin ku saabsan ciidamada shisheeye.

“Dowladda Soomaaliyeed waddankan iyada ayaa mas’uul ka ah ciidankii joogi lahaa iyo ciidankii ka bixi lahaaba dowladda Soomaaliyeed ayaa mas’uul ka ah dowlad goboleed gaar ulama geli karo dowlad ciidankii joogi lahaa iyo kuwii la keeni lahaaba”  ayuu sii raaciyay.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon.



Source link