DF oo ka jawaabtay soo jeedinta La-taliyihii Farmaajo ee Al-Shabaab la xiriirtay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray La-taliyihii hore ee amniga madaxweyne hore Farmaajo, kaasi oo soo jeediyay in xukunka dalka loo baneeyo Al-Shabaab haddii aan la iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ka jawaabay soo jeedinta Cabdisaciid Muuse Cali, isaggoo nasiib darro ku tilmaamay in hadal noocaan uu kasoo yeero masuul hore.

“Waxaan la socdaa hadal uu dhawaan wasiir hore Cabdisaciid ku sheegay waraysi uu siiyey BBC Somali,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi

Waxa uu intaas kusii daray “Anigoo ixtiraamaya xoriyatul qawlka, hadallada soo jeedinaya tanaasulka qaranimada Soomaaliya ama caadi ka dhigista fikradda ah in Al-Shabaab la aamini karo waa dhibaato qoto dheer oo aan la aqbali karin.”

Cabdisaciid oo sidoo kale soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa soo jeediyay haddii madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ay iska dhicin karin damaca guracan ee Abiy Axmed ay meesha u baneeyaan kooxda Al-Shabaab, si ay meel u saaran Itoobiyaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag (Al-Shabaab) iska dhicin karaa jiree u banee,” ayuu yiri la-taliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

La-taliyihii hore ee Farmaajo ayaa ku dooday in dowladnimada Soomaaliya uu gaaray dhaawac weyn, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uu ku dhaliilay inay si adag uga jawaabin hadallada kasoo yeeraya Abiy Axmed.

“Marwalba oo ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta haddii ay timaado jawaab daciif ah waaye,” ayuu markale Cabdisaciid ku yiri wareysi gaar ah uu siiyay BBC.

Sidoo kale wuxuu wareysiga ku yiri “Aniga marnaba ma dhiiro gelinaya Al-Shabaab ee waxaan dhiirro-gelinayaa in xukuumadda hadda joogta aysan iska celin karin mayal adagnimada ka socota Addis Ababa, nika hadda ra’iisul wasaaraha ka ah waxa uu ka tirsan yahay koox diineed oo xagjir ah marka waa xagjir.”

Al-Shabaab ayaa la sheegaa inay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland oo banaanka keentay damaca guracan ee Abiy ay ku heshay dagaal-yahaano cusub, ayada oo adeegsaneysa masrixiyadda “Itoobiyaan naceybka”, xilli uu sanadkii hore hoos u dhac ku yimid kooxda, oo dagaal adag kala kulantay ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan.



Source link