DF oo Dr. Xuseen Abuukar madax uga dhigtay guddi ka hortagaya cudur halis ah

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar Muxyadiin ayaa loo magacaabay inuu maareeyo arrimaha degdegga ah (Emergency) ee Caafimaadka Dalka Soomaaliya, National Incident Manager-ka dalka for mpox diseases.

Sida aan la socono waxaa wadamada deriska ah ka dilaacay cudurka MPOX, waxaana la aas-aasay koox quburo caafimaad ah oo Agaasime Guud Dr. Xuseen Abuukar Muxyadiin uu hoggaaminayo.

Quburada loo soo xulay howlgalka degdegga ah ee Caafimaadka Qaranka, gaar ahaan ka hortagga iyo xakameynta cudurka dilaacay ee Mpox ayaa ka kooban 19 qof, waxaana hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa si dhow ula socotay digniin caalami ah oo ay dhawaan soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, taas oo sheegeysa in cudurka dilaaga ah ee loo yaqaan ‘Mpox’ uu ka dilaacay qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya.

“Anigoo aqoonsan masuuliyadda weyn ee wasaaradda ka saaran ilaalinta caafimaadka iyo fayo-qabka shacabka Soomaaliyeed, waxaan qoraalkan idiinku soo gudbinayaa in aan idinla socodsiiyo dhismaha Guddiga Gurmadka Caafimaadka Qaranka,” ayaa lagu yiri warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dillaaca Mpok ee dalalka deriska ah iyo ku dhawaaqista WHO ee Xaaladda degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha ayaa sababtay in deg deg loo soo xulo guddi dhakhaatiir qaran ah oo Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar uu hoggaaminayo.

“Digniinaha jira waxay muhiim ka dhiganayaan inaan u diyaar garowno khatarta oo firfircoon muujino, si loo maareeyo dhibaatadan caafimaadka dadweynaha ku soo wajahan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxda Maaraynta Dhacdada oo uu hoggaamiyo Maareeyaha Dhacdada Dr. Xuseen Abuukar waxa loo igmaday inay hogaamiso oo isku dubarido dhamaan qorshooyinka u diyaar garowga cudurka Mpox, ka hor inta aan lagu dhawaaqin kiisas dilaacay.

Xanuunkaan cusub ayaa u eg cudurka ay Soomaalidu u taqaano Busbuska, waxaana kiisas cudurkaan laga helay dalal ay ugu horeyso Kenya, waxaana cabsi badan laga qabaa inuu soo gaaro Soomaaliya.

Hoos ka akhriso warqadda 



Source link