DF oo dhawaaqday go’aan culus oo ka dhashay qorshaha Itoobiya

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey inay fashilmeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku yesheen Ankara, isagoo shaacuiyey go’aan culus oo Soomaaliya ay qaadatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay diiday inay aqoonsato madax-banaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaan, una cadeeyey wax bad ama ganacsi ah aysan labada dal ka wadahadli doonin.

“Wadahadalkii Ankara waxaan uga soo kala tagnay in Itoobiya diiday inay aqoonsato Soomaaliya inay tahay dal xor ah oo deris la ah, ilaa taas ay ka ogolaatana badna kama hadli karno, ganacsina kama wada hadli doono,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci jirtay qawaaniinta caalamiga ah, isagoo mar kale Itoobiya ugu baaqay inay ku soo laabato sharciga iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrinta Itoobiya, “Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay bilowday daandaansi, balse hadafka Soomaaliya uu yahay in Jamhuuriyadda Soomaaliyeed aan lasoo faro-gelin, hadii wax kasta dhacaan.

“Uma aanaan jawaabin Itoobiya wax kasta oo ay sameysan, hadafkeena ayaan ku taaganahay Turkigu waa dadaaleen, waana u mahad celinaynaa, laakiin xaqeena kama tanaasuli doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay heshiisyada ay Soomaaliya la geleyso dalalka kale, “Soomaaliya waa xor, cidey doonto oo maslaxadeeda ay ka dhex aragto ayey la heshiinee, danaheena cidii ka hor imaata, anagana danahooda waan ka hor imaaneynaa, waxaan ka shaqeynaa maslaxadeena kaliya,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa Itoobiya uga digay inay danqiso boogihii Soomaaliya iyo Itoobiya kala gaaray, “Deris inaan ahaano ma aanaan dooran, xuduuda ugu dheer oo aad leedihiin, anaga ayaad nala wadaagtaan ee cadowga aan wada leenahay ha u hiilinina ee ku soo laabta jidka toosan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo



Source link