DF oo dalab culus u dirtay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya

Posted on

New York (Wararka Maanta) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle oo hadal ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, isaga oo farriin culus u diray dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah.

Abuukar Baalle ayaa ugu baaqay waddamada qaybta ka ah howlgalka sii dhammaanaya ATMIS inay dhowraan madax-banaanida Soomaaliya oo uu tilmaamay inay tahay lama taabtaan.

Waxaa kale oo uu ku booriyay inay waddamadu u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka gobolka, si looga hortago xiisad horleh oo ka dhacda Geeska Afrika.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in danaha dalalka ciidamada shisheeye ay mararka qaar keeni karaan mugdi khatar gelin kara xasiloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

“Haddii aan la tixgelin xeerarka caalamiga ah iyo midnimada dhuleed, waxaa dhici karto in talaabooyinkaas loo qaato gardarro” ayuu khudbaddiisa ku yiri Abuukar Baalle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka, taas oo ku xadgdubtay madax bannaanida Soomaaliya, kadib heshiis sharci darro ah oo uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed horraantii sanadkan 2024 la galay Somaliland.

Si kastaba, xiisadda ayaan haatan yeelatay waji cusub, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo iyana heshiis difaac la gashay Soomaaliya, waxaana ka carootay dowladda Itoobiya oo ay xukuumadda Qaahira isku hayaan arrinta Wabiga Nile oo muddo dheer soo taagneyd.



Source link