DF oo canshuur horleh kusoo rogtay reer Muqdisho iyo lacago laga jaranayo EVC

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda federaalka ay markii ugu horreyso bilaabeyso qaadista canshuuraha iibka (Sales Tax), taas oo noqoneyso 5%, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in arrintani ay qeyb ka tahay dadaalka dowladda ee sare loogu qaadayo dakhliga gudaha, si loo gaaro isku filnaan dhaqaale oo ay gaarto Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in qorshahan oo muddo dheer soo socday hadda la dhammeystiray, isaga oo la wadaagay shirkadaha isgaarsiinta iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya lacag dirista.

“Waxaan rabaa maanta dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatadaba gaar ahaan shirkadaha bixiya adeegga is gaarsiinta iyo adeegyada lacag dirista intaba aan rabaa inaan la wadaago in uu dhaqangeli doono hannaan casri ah oo wasaaradda maaliyadda ay muddo ku howlanayd oo ay ka shaqeyneysay oo soo dhameystirmay” ayuu yiri wasii Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in system-kan cusub oo ay yeelatay dowladda uu suuragelin doono inay goosatai canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah.

“Hannaanka ayaa soo dhameystirmay wuxuuna wasaaradda u suuragelin in doonaa in canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah meel kasta oo dhaq-dhaqaaq iib ama gadasho ka dhaco oo hannaankaa ku dhaca inay dowladdu hadda yeelatay system iyo hannaan casri ah oo lagu daba galo lagu goosto canshuurta” ayuu sii raaciyay wasiirku.

Waxaa kale oo uu ka dalbaday shirkahada isgaarsiinta iyo bangiyada dalka inay arrintan kala shaqeeyaan wasaaradda maaliyadda, si ay waaxda dakhliga u gudato waajibkeeda

Waxaan rabaa inaan faro shirkadaha isgaarsiinta inay waaxda dakhliga iyo dadka farsamayaqaanada ee howlahaa ku howlan inay gacan buuxda ku siiyaan inay gutaan waajibaadkooda” ayuu mar kale yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sida xeerka ina farayo canshuurta iibka ee hadda sharciga ina farayo waa 5%, waana marka la babar dhigo dalalka gobolka aan ka tirsanahay”.

Arrintan ayaa durbo dhalisay walaac xoogan, waxaana si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada, maadaama ay tallaabadan saameyneyso qof kasta oo wax ku iibsanayo habka Electroniga, gaar ahaan lacagaha taleefoonada EVC-ga-, eDahab-ka ama kuwa Walleta-ka.



Source link