DF oo 3-aag Turkiga u saxiixday inuu shidaal ka qodo iyo Turkiga oo shaaciyey qorshihiisa

Posted on

Ankara (Wararka Maanta) – Wakaaladda Wararka Tukriga ee Anadol oo soo xiganeysa Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa werisay in Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ay heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dawladda Turkiga, kaas oo Turkigu u ogolaanaya inuu shidaal ka baaro 3-aag oo ku yaalla gudaha badda Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa heshiiskaan la saxiixday dhigiisa Turkiga Alparslan Bayraktar, munaasabadda heshiiskaan lagu saxiixay ayaa ka dhacday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, warbixintaan ayaa soo baxday Khamiistii.

Dowladda Turkiga ayuu heshiiskaan xuquuq gaar ah siinayaa, sida ku cad warbixinta, waxaana si buuxda loogu ogolaaday in shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ay ka baarto, kadibna ka soo saarto 3-aag oo badda Soomaaliya ah, kuwaas oo kiiba yahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Warbixintaan oo dowladda Soomaaliya aysan shaacin waxaa daaha ka rogay Wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dowladda Turkiga Bayraktar, isagoo warbixintiisa ku cadeeyey inta uu dhan yahay dheerarka dhulka ay u ogolaatay Soomaaliya.

“2 kamid ah 3-da aag, waxaa 50 KM gudaha loo galayaa badda, halka midka kale 100 KM loo aadayo gudaha badda,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo u waramay Wakaaladda Wararka Tukriga ee Anadol.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in wajiga 1-aad ee baaristaan ay samin samey doonaan, taas oo ay ku eegayaan aagagga loo ogolaaday “Waxaan u direynaa Soomaaliya markabkeena Oruc Reis dhamaadka September ilaa bilowga October,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Wasiirka oo tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay saxiixa heshiiskaan dhexmaray labada dal ayaa sheegay in hadda uu Turkigu deg deg u bilaabayo sahmin qaada doonta dhowr bilood.

“Waxaan direynaa shaqaale gaaraya 50 qof oo raacaya Markabka Oruc Reis, waxaana safarkaas ku wehli doona 5 Markab oo kale oo sahanka ka caawi doona, baaritaankaas wuxuu hoggaami doonaa qodista iyo soo saaridda shidaalka Soomaaliya, hadii ay suurtagasho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo haatan tallaabadii ugu horreysay u qaaday difaaca Badda Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka dalkiisa u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in ciidamo uu ku geeyo xeebaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa daba socota heshiiskii difaaca ee ay horay u wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga , kaas oo la saxiixay bishii Febraayo ee sanadkan 2024-ka, ayada oo ujeedka uu yahay in Ankara ay la wareegto amniga iyo difaaca guud ahaan Badda Soomaaliya.

Erdogan ayaa mooshinka uu geeyay baarlamaanka ku dalbaday in la siiyo muddo labo sano ah, taas oo awood u siinaysa in Turkiga uu ciidamada baddda usoo diro Soomaaliya.

“Soo daabulidda ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona madaxda Soomaaliya, waxayna dabooli doonaan amniga badda ee Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ay soo gaaraan biyaha Soomaaliya, kuwaas oo ka ilaalin doono cadow iyo kalluumaysiga sharci-darada ah.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid looga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jirtay in horaantii bishan uu Turkiga isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo, xalna laga gaaro xiisadda ka dhalatay badda, isaga oo martigeliyay wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, balse kulankooda uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Si kastaba, Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.



Source link