DF iyo Mareykanka oo wada-hadal xasaasi ah ku yeeshay Xalane + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta la kulmay Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley.

Kulankan oo ka dhacay gudaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku yaalla xerada Xalane ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahad-celiyey taageerada dowladda Mareykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada.

Danjire Richard ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay dowladda federaalka dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka argagixisada.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in taageeradeeda dhinaca saanada hubka ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonto tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho, islamarkaana ay sare u qaadi doonto iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada.

Tan iyo markii ay bilowdeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka weeraro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, inkasta oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid duqeymahaas oo badi lagu beegsan jiray xubnaha iyo saraakiisha sar-sare ee kooxda.

Mareykanka ayaa sidoo kale tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.



Source link