DENI oo Xasan iyo madaxda Soomaalida uga digay burbur aan laga soo kabsan

Posted on

Garoowe (Wararka Maanta) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan dowlad dhiska Soomaaliya, maadaama ay taagan tahay xiisad maamulkiisa kala dhexeyso dowladda federaalka iyo mid kale oo Soomaaliya kala dhexeyso Itoobiya.

Saciid Deni ayaa guud ahaaneed uga hadlay xaaladda dalka, wuxuuna jeediyay farriin culus isaga oo ka digay in dib Soomaaliya loogu celiyo xaaladdii laga soo gudbay ee Carte.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la saxo qaladaadka jira, isla markaana la xoojiyo meelaha ay ka dabacsan tahay dowladnimada Soomaaliya

“Soomaaliya yaan fursad dambe loo siinin mar labaad qadka inta ka baxdo dib loo yagleelin shir dib u heshiineed oo ballaaran oo Soomaali hadda ha la’isku keeno la oran” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa haboon maanta meesha aan joogno inaanu dib uga noqonin Carte iyo shirarkii lamidka ahaa, laakiin meelaha ay ka liiceyso inaan ka toosino aan ku darsano xisaabta”.

Dhinaca kale wuxuu toos ula hadlay madaxda dowladda dhexe, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaaiyeyaasha maamul goboleedka oo uu ugu baaqday inay ilaaliyaan dastuurka iyo shuruucda kale ee ay dadka Soomaaliyeed heshiiska ku wada yihiin.

“Waxaa sidoo kale fursaddan uga faa’ideysanayaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo cid kasta oo mas’uul ah in ay ilaaliso waxa dadka heshiisku ku yahay” ayuu kusii daray.

Hadalkan dabacsan kasoo baxay hoggaamiyaha Puntland ayaa kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad meel xun gaartay oo maamulkiisa kala dhexeyso dowladda federaalka, taas oo illaa iyo hadda aan laga gaarin xal rasmi ah.



Source link