Deni oo war ka soo saaray xasaradaha Somaliland iyo koonfurta Soomaaliya

Posted on

Garowe (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kumanaan shacab ah maanta kula hadlay fagaaraha Garowe ayaa soo hadal qaaday colaadaha iyo xasaradaha maamul ee ka taagan koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland.

Saciid Deni ayaa ku faanay in Puntland ay gaartay xasilooni iyo isku filaasho, isagoo ilaahey nabad iyo xasilooni uga baryey Soomaaliya inteeda kale, gaar ahaan Somaliland iyo koonfurta Soomaaliya.

“Somaliland waxaan u rajeynayaa in maamulkaasi uu ka shaqeeyo nabad, oo doorasho sax ah qabto, in maamulkaasi uu ku fara adeygo nabadeynta inta uu maamulo oo aysan u hanqal taagin deegaano kale,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni  oo farriin u diray Somaliland.

Sidoo kale Saciid Deni wuxuu ka hadlay xasaradaha ka jira koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in qabaa’ilku ay is dilayaan, wuxuuna ugu baaqay inay nabad ku wada noolaadaan, maadaama aysan jirin dowlad kala celineysa ama ku kala garqaadeysa.

“Labo reer oo meel degan waxaan ugu baaqayaa in nabad ay ku wada noolaadaan, gaar ahaan dadka reer Puntland, beelaha idinla degan nabad kula noolaada, maamulkeygu wuxuu xooji doonaa nabadda iyo dimoquraadiyadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Wuxuu ka digay in xoog lagu raadiyo xukunka “waxaan ka digayaa siyaasiyiinta caadeysatay inay xukunka ku koraan dhiigga dadka, xukunka waxaa lagu koraa cod,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka reer Garoowe ka codsaday inay si gaar ah u taageeraan xisbigiisa Kaah, isagoo ka codsaday inay u codeeyaan Xisbigiisa Kaah.

“Waxaa inoo ballan ah maalinta Doorashada 23-ka July 2024 Insha’allaah, in aad codka siisaan Xisbi Siyaasadeedka Kaah, Astaanteenu waa Hasha,” ayuu yiri Deni oo fagaaraha Garoowe kula hadlayey kumanaan shacab ah.

Deegaanada Puntland waxaa ka socda doorashooyinka golaha deegaanka, koonfurta Soomaaliya waxaa ka socda dagaal beeleedyo saameeyey gobol kasta, dowladda federaalka ayaa dhegaha ka fureysatay colaadaha sokeeye ee dalka ka socda.

Somaliland ayaa xasarado cagaha la gashay markii ay la dagaashay SSC waxaana laga qabsaday goboladii koonfurta xigay ee Sool iuo Sanaag, waxayna xaaladu ku sii xumaatay bilowgii sanadkaan markii Muuse Biixi uu heshiis badda ah la galay Abiy Axmed, kacdoon xoogan ayaa ka socda gobolka Awdal.

Hoos ka daawo



Source link