DENI oo ku dhowaaqay wada-hadal iyo shuruud culus oo uu hordhigay DF

Posted on

Garoowe (Wararka Maanta) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la furo dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay shir sanadeedka nabadda ee PDRC ayaa waxa kale oo uu sheegay in Puntland ay dood adag qabto oo ay rabto in lagu fallan-qeeyo meel fagaare ah, ayna garsoorayaal ka noqdaan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu xusay in haddii ay Puntland khaldan tahay laga qanciyo, balse haddii ay saxan tahay laga garaabo mowqifkeeda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda maamulka kala dhaxeysa dowladda dhexe.

Deni ayaa waxa oo uu tilmaamay in Puntland diyaar u tahay in ay maal-geliso wada-hadallada uu ku dhowaaqay, kuwaas oo uu sharuud uga dhigay inay ka dhacaan fagaare ay marqaati ka tahay Soomaalida.

“Odayaal aan arkay waxaa u sheegay in Puntland ay diyaar tahay doodna ay qabto, waliba ay jeceshay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, qol qarsoodi ah aanu aheyn, haddaan khaldanahay in nala qabto, haddaan sax sannahay in nala ayido,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale waxa uu ka digay madaxweynaha Puntland in haddii xaaladda taagan wax laga qaban in Soomaaliya lagu kala tagi karo, isaga oo tusaale ahaan u soo qaatay Somaliland, oo ayadu in ka badan 30 sanno ku doodeysa inay tahay dal madax-banaan.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, iyada oo ay meesha ka baxday wada-shaqeyntii dowliga aheyd ee labada heer, islamarkaana ay Puntland sheegtay inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan.

Hoos ka daawo muuqaalka



Source link