DENI oo isku diyaariyay dagaal cusub iyo halka uu ku wajahan yahay

Posted on

Garoowe (Wararka Maanta) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo Talaadadii booqday xarunta taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad ayaa sheegay in Puntland ay qaadeyso dagaal cusub oo ka dhan ah kooxaha argagixsada.

Deni oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan kuwa Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan guluf ka dhan ah Al-Shabaabka iyo Daacishta ku sugan dhulka buuraha ee gobollada Sanaag iyo Bari ee maamulkaasi, si halkaasi looga saaro.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa faray ciidamada uu la kulmay inay isku diyaariyaan howlgallada cusub ee ka bilaabanayaan gobolladaasi oo ay ka qayb-geli doonaan.

Saciid Deni ayaa wacad ku maray in halka ay ku dhuumaleysanayaan kooxaha argagixisada ay uga daba tegi doonaan, isla markaana ay ka saari doonaan buuraha hoostooda.

“Ma jirto dhulkeenna meel cid aan Puntland ahayn xukunto marka laga reebo dhawr nin oo sida daanyeerada qarar saaran kuwaasina waxa uga daba-tagaya buuraha ciidamada Puntland” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Puntland ayaa marar badan dhulka buuraleyda ah ee maamulkaasi kula dagaalantay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, inkastoo weli ay ku sugan yihiin halkaasi.

Dagaalka tooska ah marka laga tego waxaa barbar socda howlgallo gaar ah oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyaan magaalooyinka waa wayn, kuwaas oo lagu soo qabtay shabakado isku xiran oo ugu dambeyn lagu xukumay dil, kadibna la toogtay.



Source link