Dayuurada Kenya Airways oo mar kale ka degi weysay garoonka Aden Caddulle

Posted on

Diyaaradda Kenya Airways, ayaa maanta mar kale ku guul-darraysatay inay ka soo degto garoonka diyaaradda Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waa markii 3aad ee dayuurada Kenya Airways ku fashilanto iney ku degto garoonka Aadan cadde todobaadkan.

Sababta ayaa lagu sheegay in diyaaradda iyo duuliyayaasheeda aysan wali la qabsan waqtiga bad xiranka ah inay garoonka uga soo deggaan dhinaca badda si aysan caqabad ugala kulmin inay isbeddel ku sameeyaan khadkooda degista ama ay door bidaan inay ka soo deggaan dhinaca bariga, sida ay  sheegeen saraakiisha garoonka.

Diyaaradaha kale ee caalamiga ah ayaa si joogta ah uga soo degga garoonka Muqdisho, sida Turkish Airline, Qatar Airways , Ethiopian Airways iyo kuwa kale, maaddama ay haystaan diyaaraddo awood u leh inay soo dulmaraan badweynta Hindiya ee dhinaca ku haysa waddada diyaaradaha ay caga dhigtaan ee garoonka Aadan cadde.

Balse sida ay saraakiisha sheegeen xaaladda ay hadda wajahayso Kenya Airways, waxay dhacdaa inta diyaaradaha ku cusub yihiin garoonka, muddada lagu jiro bad xirankana waxay uga baahantahay duuliyayaasha inay beddelaan khadkooda duulimaadka si ay awood ugu yeeshaan inay soo dulmaraan badda, iyagoon wax dhibaato ah wajihin.

 

Source link