Daneyn la’aanta Shiinaha ee Soomaaliya ma xaggooda mise waa xaggeenna?

Posted on

Beijing (Wararka Maanta) – Shiinaha oo kamid ah waddamada waa weyn ee dunida, isla-markaana haatan loollan adag kula jira Mareykanka ayaa mar kamid ahaa waddamada taageerada ugu badan siiya Soomaaliya, sidoo kalena la lahaa xiriir ku dhisan wax wada qabsi, kaas oo soo billowday 1960-meeyadii, wuxuuna xilligaas dalka ka fuliyay mashaariic waa wayn.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay isbeddalka haatan ku yimid xiriirka labada dal iyo daneyn la’aanta Shiinaha ee Soomaaliya, xilli haatan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan yahay magaalada Beijing.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Shiinaha ay mar xarun muhiim u ahayd magaalada Muqdisho, isla markaana uu ku lahaa xarunta ugu wayn ee Afrika, sidoo kalena uu dalka ka fulin jiray mashaariic waa wayn oo uu dhaqaale fara badan ku baxayay.

Siyaasigan ayaa tilmaamay in hadda dhammaan ay masha ka baxeen waxyaalahaasi, wuxuuna su’aal ka keenay halka uu gaabiska ka jiro Soomaaliya ama dhinaca Shiinaha.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Dalka Shiinaha lixdameeyadii oo uu Soomaaliya kula beratamayey Midowgii Soofiyeedka wuxuu dalkeena u soo magacowday Zhang Yueh oo ka mid ahaa khubarada dunida Carabta iyo Afrika.

Safaaradooda Muqdisho waxay ahayd xarunta ugu wayn ee Afrika, waxaana xiligaa ka shaqaynayey 230 qof oo isugu jira diblomaasiyiin iyo shaqaale.

Inkasta uu dhaqaalaha Shiinuhu gaarsiisnayn sida uu maanta yahay, haddana Soomaaliya wuxuu siin jiray kaalmada horumarin ee Afrika ugu badan.

Maanta oo uu Shiinaha loollan kula jira Ameerika sidii uma muuqdo oo waa kaa labaatan iyo dhowr milyan ka hadlaya. Haddaba su’aashu waxay tahay, danayn la’aantu ma xaggeenaa mise waa xagooda?



Source link