DANAB oo hub kasoo furatay Al-Shabaab, kadib markii ay dishay…

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale maanta howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen agagaarka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen tuulada Xaliimo Cadey oo hoostagta deegaanka Buulp-xaaji, isla markaana ay halkaasi ku dilee xubno badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo bandhigay hub fara badan oo ay kusoo furteen howlgalkaasi ee ay khasaaraha xoogga leh ku gaarsiiyeen kooxda.

“Ciidanka ayaa intii hawlgalku Socday waxay khawaarijta ka dileen maleeshiyad ka tirsan khawaarijta iyagoona soo bandhigay hubkii ay ka furteen khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Xoogga dalka.

Danab ayaa sidoo kale cagta marisay dhammaan fariisimihii ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd tuulada uu howlgalka uu ka dhacay, halkaas oo gabaad u ahayd kooxda.

“Ciidanka Kumandooska Danab XDS Gaar Ahaan SMU ayaa Waxay Burburiyeen Goobo ay Gabaad ka dhiganayeen khawaarijta oo ku yaalay Tuulo lagu magacabo Xaliimo cadey oo hoostagta Degaanka Bbuulo-xaaji ee Gobolka Jubadda Hoose” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegeen ciidamada.

Dhowaan ayay ahayd markii deegaanka Buul-Xaaji ay soo weerareen Al-Shabaab, balse lagu jabiyay isla iyagii, isla markaana looga dilay tirada badan, hubnka looga furtay.

Jubbooyinka oo ay weli ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa waxaa badanaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro sababa khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.



Source link