Dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo weji cusub yeeshay iyo Kyiv oo ku dhowaaqday…

Posted on

Kyiv (Wararka Maanta) – Taliyaha ugu sarreeya militariga Ukraine ayaa sheegay in ciidamadiisa ay hadda gacanta ku hayaan dhul gaaraya ilaa 1,000 kilomitir oo isku wareeg oo ka tirsan gobolka Kursk dalka Ruushka.

Waa marki ugu horreysay oo uu sarkaal ka tirsan militariga Ukraine uu si cad uga hadlo duullaanki kediska ahaa ee waji-gabaxa ku noqday Kremlin-ka.

Gen. Oleksandr Syrskyi ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay, in dagaalka uu ka socdo dhammaan jiidaha hore, isla markaana ay ciidanka Ukraine ay hadda xaaladuhu gacanta ku hayaan.

Ku dhawaad hal todobaad kaddib weerarkaasi, ayay ciidamada Ruushka aysan wali bixinin jawaab.

Laakiin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii sheegay, in weerarka Ukraine soo qaadday uu yahay isku day ay xukuumadda Kyiv ku dooneyso in ay ku hakiso duullaanka ciidanka Ruushka ee gobolka Donbas.

Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in sidoo kale ay Ukraine ku rabto weerarkaasi in ay galangal weyn ku yeelato wadahadallada nabadda ee mustaqbalka, ee laga yaabo in ay wada yeeshaan Ruushka iyo Ukraine.

Arrintan ayaa weji cusub u yeelaysa dagaalka labada dal ee mudadda socday, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur horleh.



Source link