Dagaalka ka socda magaalada GAZA oo sannad jirsaday

Posted on

Gaza (Wararka Maanta) – Sannad ayaa maanta laga joogaa marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay uga jawaabeysay weerarki 7-badi October ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il.

Saacado ka hor inta aanan la gaarin sannad-guurada koowaad ee weeraradi October 7, ayay Axaddii shalay ciidamada Isra’il gantaallo cirka ah ku duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla Gaza iyo koofurta Lubnan.

Duqeymaha cirka ah ee Isra’il ayaa ku dhacay xaafadaha koofureed ee magaalada Beyrut xalay. Milatariga Israil waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen bartilmaameedyo ay Xisbullah leeyihiin, kuwaas oo ay ku jiraan xarunta mukhaabaraadka, baqaaradda hubka iyo meelo kale oo ku yaalla magaalada Beqaac.

Xisbullah ayaa iyaduna sheegtay in xalay ay madaafiic ku garaacday magaalada saddexaad ee ugu weyn Isra’il ee Xeyfa. Gantaallada Xisbullah ayaa ka dul booday gantaallada difaaca cirka ee Isra’il, kaddibna ku dhacay dhismooyin ku yaalla Xeyfa sida ay xaqiijiyeen booliska Isra’il.

Ilaa 10 qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen gantaalladaasi.

Dhinaca Marinka Gaza, ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 93 kalana la dhaawacay, kaddib duqeymo cirka ah oo ay Axaddii ciidamada Isra’il ku garaaceen masaajid iyo xarun ay ku noolyihiin dad barakac ah oo ku yaalla Marinka Gaza.

Sannad kaddib, duqeymaha ciidanka Isra’il ee Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Dhanka Isra’il, munaasabado lagu xusayo dadki lagu dilay weerarki Xamaas ee koofurta Isra’il ayaa lagu wadaa in lagu qabto Isra’il.

Axaddii iyo Sabtidi, kumannaan qof oo ku nool dunida daafaheeda ayaa dhigay mudaaharaadyo ay ku taageerayaan Falastin, ugana soo horjeedaan dagaalka Gaza.



Source link