Dagaal khasaaro sababay oo maanta ka dhacay Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Posted on

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Bari ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay iska-horimaad dhaliyay khasaaro oo u dhaxeeyay ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen iska hor-imaadka hubaysan ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso , kaas oo abuuray khal khal xooggan oo dadka deegaanka la kulmeen.

Iska hor-imaadkaasi khasaaraha sababay ayaa ka dhacay saldhiga bartamaha ee magaalada Boosaaso, waxa uuna u dhaxeeyay ciidamado katirsan Booliska iyo ciidan ka tirsan PSF sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhaca labada ciidan uu salka ku hayo muran ka dhashay rag ka tirsan PSF oo lagu soo xiray saldhiga bartamaha ee Boosaaso.

Faahfaahin intaasi dheer lagama hayo wararka ku saabsan iska hor-imaadka labada dhinac islamarkaana Booliska iyo ciidanka PSF midna weli kama hadlin dhacdadaasi khasaaraha sababtay.

Puntland Post

Source link