Dagaal culus oo dib uga qarxay dgemada LUUQ

Posted on

Luuq (Wararka Maanta) – Wararka aynu ka heleyno degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dib usii laba qarxay dagaal labadii maalmood lasoo dhaafay ka socday gudaha degmadaas, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo galay maalintiisii saddexaad ayaa haatan ka socda bartamaha magaalada oo ay isku hayaan labada dhinac, waxaana lasoo wariyay in xaaladdu ay faraha kasii baxeyso.

Ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaas ayaa lasoo wariyay in dagaalka ay ku biireen, taas oo waji cusub u yeeshay xiisadda ka taagan halkaasi.

Sidoo kale waxaa guul darreystay dadaallo nabadeed oo la doonayay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo labada dhinac kuwaas oo ay wadeen maamulka iyo waxgaradka degaanka.

Labada dhinac ayaa isku weydaarsanayaa gudaha degmada hub culus, waxaa sidoo kale dagaalka barbar socda madaafiic lagu garaacayo aagga lagu dagaalamayo.

Khasaaraha dhimashada, dhaawac iyo burburka ka dhashay dagaalkan ayaa sii kordhiyay, ayada oo horay loogu gubay suuqii weynaa ee degmada Luuq.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, waxaana dhinacyada diriraya ay helayaan gurmadyo iyo ciidamo dheeraad ah, taas oo keentay in dagaalka uu kasii daro.

Si kastaba, wuxuu dagaalkan markii hore ka billowday laba askari oo murmay, ayada oo goobta lagu dilay mid kamid ah, waxaana dhacdadaas kasii horeysay xiisad ka dhalatay muran dhul ku yaalla halkaas oo ay isku haystaan beelaha ku dagaalamaya degmada Luuq.



Source link