Dagaal beeleed dhiig badan ku daatay oo maalintii labaad ka socda deegaan katirsan gobolka Mudug

Posted on




Dagaal beeleed xooggan ayaa maalintii labaad ka socda galbeedka gobolka Mudug, gaar ahaan degaanka lagu magacaabo Jiicboor.

Dagaalka oo shalay bilowday ayaa u dhexeeya laba maleeshiyaad beelood oo ka soo kala jeeda degaannada Bandiiradley iyo Galdogob ee gobolka Mudug.

Ugu yaraan 10 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen sida ay wararku sheegayaan.

Sidoo kale waxa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beelood taasi oo ay wadaan waxgarad iyo mas’uuliyiin kala duwan oo labada dhinac ah.

Dhinaca kale guddoomiyayayaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta colaadda labada dhinac.




Source link