Dad Soomaali ah oo lagu laayay deegaanka Canfarta

Posted on

Awash (Caasimada Onine) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ku laayeen dad Soomaali ah oo safar kusii ahaa magaalada Awash oo ka tirsan isla dowlad deegaanka Canfarta.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dadka laayay oo ganacsato ay ku jiraan lagala dagay gaari ay la socdeen, kadibna loo gaystay dil iyo dhaawac.

Dadka la laayay ayaa waxaa kamid ah Khadar Cilmi Cige iyo Mowliid Maxamed Cabdi, halka la dhaawacay Ismaaciil Muxumed Muuse, Siciid Muxumed Muuse iyo Cali Xuseen Jaamac.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaas oo aan heli xogtooda iyo magacyadooda la helin, maadaama xaaladda meesha ay wax ka dhaceen la tagi karin.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan si gaar ah loogu beegsaday Soomaalida, isla-markaana iyaga kaliya lagala dagay gaariga, iyada oo dadkii kalena la fasaxay.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ku aadan falkaasi lagu beegsaday dadka shacabka ee Soomaaliyeed, waxaase soconayo dadaallo ay wadaan mas’uuliyiinta deegaanka.

Horay ayaa waxaa u jiray digniino loo jeediyay Soomaalida oo ku aadan in aysan ku safrin waddadaas, marka ay aadayaan magaalada Addis Aababa, waxaana beddalkood loo soo jeediyay inay adeegsadaan diyaarad, inta ay jirto xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Arrintan ayaa kusoo aadeso, ayada oo muddooyinkii  dambeeyay ay kasii dareysa colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Canfarta oo horay ugu dagaalamay halkaasi.



Source link