Dad badan oo Ethiopia ku dhintay kadib markii…

Posted on




Addis Ababa (Wararka Maanta) – Meydadka illaa 50 qof ayaa dhoobada hoosteeda laga soo saaray dalka Itoobiya kadib markii uu koofurta dalkaasi ka dhacay laba dhul go’ oo aasay guryo badan.

Kassahun Abayneh oo ah afhayeenka maamulka degmada Gofa ee ismaamulka Gobolka Koofureed ee Itoobiya ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay in roobab mahiigaan ah oo dorraad da’ay ay sababeen dhul go’a khasaaraha dhaliyay.

Khasaaraha dhimashada ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay dhul go’i labaad kadib marki ay dadka deegaanka iyo saraakiil boolis ay isugu yimaadeen halki uu ka dhacay dhul go’i koowaad.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in dadka ku dhintay masiibadaasi ay isugu jireen dumar, carruur iyo askar ka mid ah ciidanka booliska deegaanka.

Maamulka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in baadigoobka dadka badbaaday uu si xawli ah u socdo balse dhimashada ayaa weli sii kordhi karta.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinayay boqolaal qof oo isugu soo baxay goobaha wax ka dhaceen iyo qaar kale oo qodaya dhooqada iyo ciidda iyagoo raadinaya dad ku hoos jira.

Gofa waa qayb kamid ah gobolka loo yaqaan koonfurta Itoobiya, waxayna ku taal qiyaastii 320km (199 mayl) koonfur-galbeed ee caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.

Koonfurta Itoobiya ayaa kamid ah meelaha ay sida gaarka ah ugu dhufteen roobabkaas mahiigaanka ahi, iyaga oo fatahaado halkaa ka socdeen bilihii la soo dhaafay, sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee QM (Ocha).










Source link