Culimada Soomaaliyeed oo war culus kasoo saaray geerida Ismaaciil Haniyah

Posted on

Muqdisho (Caasimaa Online) – Warsaxaafadeed ay soo saaray Culimada Soomaaliyeed oo haatan shirweyne uu uga socdo magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dilka hoggaamiyihii Xamaas oo saaka lagu dilay caasimada dalka Iran

Ug horreyntii Culimada Soomaaliyeed ayaa muslimiinta caalamka uga tacsiyeeyay geerida hoggaamiyahii garabka siyaasadda Ururka Xamaas ee Falastiin, Ismaaciil Cabdul Salaam Axmed (Ismaaciil Haniyaha).

Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Alle ugu baryay Ismaaciil Haniyaha in uu Alle Shahaadadiisa ka aqbalo Jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Ismaaciil Haniyaha ayaa ku dhintay xalay duqeyn xagga cirka ah oo ay la beegsatay Isra’iil hoyga uu ka deggenaa magaalada Tehraan xilli uu kasoo laabtay caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Iiraan Masoud Pezeshkian.

Bayaan isna kasoo baxay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu khaarijiyay caasimadda Iran.

Xamaas ayaa sidoo kale ka tacsiyeeysay dilka hogaamiyahooda, iyaga oo bayaankooda ku sheegay in Haniyah lagu dilay weerar ay ku sheegeen in Sahyuuniyadda ay ku qaadday gurigi uu ka deganaa Tehran.

Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar.



Source link