Culimada Soomaaliyeed oo soo saaray bayaan culus oo la xiriira damaca Itoobiya

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga Itoobiya.

Baaqan ayey culimaddu kusoo saaren war-murtiyeed ay kasoo saareen damaca guracan ee Itoobiya, xilli maalmihii u dambeeyay ay culimada ka shirsanayeen, waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay u istaagaan difaaca diinta iyo dalka.

Culimada ayaa ugu horeyn bayaanka ay soo saareen ku adkeeyay midnimada umadda Soomaaliyeed, waxaana qodobada ay soo saareen kamid ah;

1. Culimada Soomaaliyeed waxa ay adkeynayaan midnimada ummadda Soomaaliyeed.

2. Culimada waxa ay bulshada qeybaheeda kala duwan ugu baaqayaan in ay u midoobaan difaaca dalka, kana fogaadaan wax walba oo kala fageyn karo midnimada iyo wadijraka ummadda Soomaaliyeed.

3. Waxa ay culimada ka digayaan dadka ku hoowlan kicnta iyo iska horkeenka bulshada ee faafinayo hadalada aan saxda ahaayn ee lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxay culimada Soomaaliyeed ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii dalkooda ay uga difaaci lahayeen Itoobiya oo ay ku tilmaameen “cadow” iyo cidkasta oo soo damaacisa dhulkeenna.

Bayaankan kasoo baxay culimada ayaa wuxuu xoojinayaa mowqifka dowladda iyo midda shacabka Soomaaliyeed oo iyagu meel adag iska taagay is-afgaradkii Itoobiya ee Somaliland ee Abiy ugu bareeray meel-marinta damaca baddeena.



Source link