CNN oo baahisay oo warbixin argagax leh oo ku saabsan Xabsi Israel ka dhistay duleedka Gaza

Posted on

Telefishinka CNN ayaa soo bandhigay warbixin naxdin leh oo ay ku jireen sawirro si qarsoodi ah loo soo qaaday oo soo muujiyay xabsi ay Israa’iil ka hirgelisay saxaraha dulleedka Qasa, halkaa oo lagu xiray maxaabiista ragga ah ee Qasa ay ka soo qabteen tan iyo 7 October.

Maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa loo ciqaabay si darran oo naxariis darro ah , waxaa laga jaray xubnaha jirkooda, waxaana loo ciqaabay iyadoo aan laga rabin in laga hadalsiiyo ee ciqaabka looga aargudanayo weerarkii Xamaas.

Kuwa dhaawaca daran loo gaysto waxaa laga xiraya gacmaha iyo lugaha intii sariirta la dulsaaro, iyagoo xiran xafaayad, cuno ahaanna maxaabiista oo dhan waxaa la siinaya cows,

Warbixintana waxay sheegtay in goobta ay tahay mid aad usoo uraysa oo kaliya dhawaqa ciqaabka ay la kulmayaan maxaabiista laga maqlayo, loomana oggala inay maxaabiista hadlaan.

Mareykanka oo ah xulafada ugu weyn ee taageerra Israa’iil , oo warbixinta CNN ka hadlay waxay sheegeen warbixinta iyo sawirrada la soo qaaday inay yihiin kuwa argagax leh.

Aqalka Cad ayaa sheegay in  warbixinta CNN ee ku saabsan tacaddiyada joogtada ah ee ka dhacaya xabsiga Israa’iil  ay “aad uga walaacsan tahay” iyo in maamulka Biden uu la xiriiray saraakiisha Israel si ay jawaabo uga helaan.

“Waxaan aragnay warbixinnadan ku saabsan xadgudubka maxaabiista ee suurtagalka ah ee xabsigan,” ayuu yiri afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby.

Source link