Ciidanka PSF oo soo saaray digniin lagu xirayo garoonka Boosaaso, kadib markii…

Posted on

Boosaaso (Wararka Maanta) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaray ee PSF-ta ee ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta soo saaray digniin culus oo lagu xirayo garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso loo beddalay xero ciidan, isla markaana laga wareejiyay gacantii rayidka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in askar oo dhaawac ah oo ka tirsan ciidanka PSF-ta laga hor istaagay inay isticmaalaan garoonka Boosaaso, horayna loogu diiday in saraakiishooda ay ka baxaan garoonka.

PSF ayaa ku goodisay inay qaadeyso tallaabo ciidan, waxayna shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan aagga garoonka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin halkaasi.

“Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah waxaan uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidamada PSF.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa sidoo kale la faray inay hakiyaan duulimaadyadooda, illaa inta garoonka gacantiisa lagu celinayo dadka rayidka ah.

“Shirkadaha diyaaradaha sidoo kale waxaa uga digayna isticmaalka garoonka illaa lagu soo celinayo gacanta rayidka” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaas.



Source link