Ciidanka milatariga maanta kuma jirto hal guuto oo dagaalami karto

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyay sababta ay mucaaradka uga soo horjeedaan guusha dowladda ee dagaalka Al-Shabaab.

Shariif oo si adag uga jawaabay su’aashay ayaa sheegay in hannaanka loola dagaalamayo Al-Shabaa uu khaldan yahay, isla markaana laga garan karo sida loo laayay ciidamada Xoogga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd ee ayaa tilmaamay in maanta aysan jirin hal guuto oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo la dagaalami karto Al-Shabaab, taasina ay muujineyso sida loo burbriyay ciidanka Soomaaliyeed.

“Hannaanka loola diriraayo Al-Shabaab, haddii uu fiican yahay maxaa ciidamada usoo jabeen? mase la socotaa maanta ciidanka milatariga maanta hal guuto oo dagaalami karta in aysan ku jirin?” ayuu ku jawaabay madaxweyne hore Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Wax badan oo aan rabin inaan halkan ku sheegin dartooda ma rabo inaan kusii socdo ciidanka waa khaldan yahay sida loo maamulay iyo sida loo hoggaamiyay waana sheegeynaa Shabaabna waa kasoo horjeednaa”.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay la socdaan qorshe ay wadaan madaxda dalka, isla markaana ay ku sameysanayaan ciidamo gaar ah oo dano ay ka leeyihiin.

“Istarakjarka ciidanka oo la beddalo wuxuu muujinayaa in aan laga shaqeyneynin ciidan inuu dhismo oo laga shaqeynaayo awood gaar ah inay dad gaar ah gacantooda kusoo auurto” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd ee dalka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dalkan Janaraalo ayaa soo xukumeen waqti dheer oo ciidanka gacantooda uu ku jiray dadka waxa ay ku joogi karaan waa cadaalad, nina inuusan ku fikirin inuu ciidan gaar ah diyaariyo hub gaar ah qaato si uu wax gaar ah ugu gaaro arrintaas waxaan u maleynaayay in laga soo gudbay maanta inay muuqato saa saankeeda wax aad iyo aad looga xumaado waayay”.

Hadalkan ayaaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran.



Source link