Ciidanka Macawiisleyda oo jab culus gaarsiiyay Shabaab

Posted on

Jowhar (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa galbeedka gobolkaasi.

Macawiisleyda ayaa beegsaday faiirimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen aagga deegaanka Gamboole, waxaana halkaas ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka deegaanka Gamboole Daahir Maxamed Cismaan ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay tuulada Moora Ciise, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

Daahir Maxamed Cismaan ayaa sheegay in dagaalkaas lagu jabiyay Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Gaari caasi ah iyo mooto ayay ka carareen, waana jiraa khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawacba leh, laakiin horay ayay u qaateen” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenku.

Xaaladda ayaa haatanah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada ay isku fidiyeen deegaanada Daarusalaam iyo Jameeco oo u dhow aagga lagu dagaalamay, iyaga oo sii baacsanaya maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga saaray halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo la dagaalamaya Al-Shabaab.



Source link