Ciidanka KENYA oo fashiliyay weerar ay Al-Shabaab la damacsanayd…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka dalka Kenya ka fuliyeen agagaarka magaalada Gaarisa ee waqooyi bari ee dalka Kenya.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheeyay inay weerar ku qaadaan deegaanka Alango, oo ku teedsan waddada Gaarisa iyo Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Saraakiil u hadashay laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay inay heleen xogta dagaalamayaashan, kadibna ay ka hortageen weerarka, xilli ay ay isku  diyaarinayay inay qaadaan.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay goobta ku dileen laba kamid ah xubnaha Al-Shabaab, kuwa kalena ay baxsadeeen ayaga oo dhaawac ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo furtay  labo qori oo AK47 ah, sidoo kale 7-majalado, agabka walxaha qarxa iyo agab kale oo kala duwan.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli aagga magaalada Gaarisa howlgallo culus oo baaritaano ah ka wada laamaha ammaanka ee dalka Kenya oo baadi goob ugu jiro xubnaha Al-Shabaab ee ka baxsaday goobta.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ay guusha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee dalka Kenya.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weeraro culus ku qaada gudaha dalka Kenya, iyaga oo beegsada xarumaha ciidamada ee ku yaalla deegaanada u dhow xadka.



Source link