Ciidanka Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay gudaha Soomaaliya

Posted on

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabay gudaha dalka, kuwaas oo si aad ah looga dareemay gobollada ay ka howlgalaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ay la xiriiraan bixista ciidamada Itoobiya oo la filayo inay ka wada baxaan dalka Soomaaliya.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa hadda bilaabay inay faarujiyaan saldhigyada ku yaalla gobollada ay ka howlgaan sida Hiiraan, Gedo, Baay iyo Bakool.

Ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ayaa hadda hormuud u noqonaya dhimista ciidamada shisheeye ee dhammaanka sanadkan ka baxaya gudaha Soomaaliya.

Bixitaanka ciidamadan waxaa sidoo kale soo dadajisay xiisadda Soomaaliya kala dhexeysa Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, ayada oo dhowaan Golaha Ammaanka ee QM ay ansixiyeen howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo la filayo inuu bilowdo sanadka soo socda ee 2025, waxaana kusoo biiraya Masar oo ay sidoo kale is hayaan Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan raadineyso taageero caalami ah, ayada oo skaashi milatari la yeelaneyso dowladaha waa wayn, waxaana ugu dambeeyay heshiisyo difaac oo lala soo galay dowladaha Masar iyo Sacuudi Carabiya.



Source link