Ciidanka dowladda oo ka hortagay qorshe halis ah oo Al-Shabab la damacsaneyd…

Posted on

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ayaa howl-gal culus ka fuliyay dhulka hawdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

Howl-galka oo si wada-jir ah u fuliyee ciidanka guutada 26-aad ee Cali Bin Abii-Daalib iyo kuwa deegaanka deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay, islamarkaana lagu fashiliyay dhagar ay kooxda usoo maleegaysay shacabka ku nool deegaanadaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Taliyaha Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howl-galka lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in weli ay ciidanka ku raad-joogaan firxadka Shabaab-ka, isaggoo sheegay in howl-galkan uu soconaya inta kooxda laga sifeynayo dhulkaasi hawdka ah.

Dhawaan unbey aheyd markii ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen Cali-cadhoole oo u dhow degmada Ceeldheer, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga qaarkood dilay, kana soo furtay hub, sida uu markaas shaaciyay taliska xoogga.

Ciidamada ayaa weli sii wada howl-galkooda. Mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladan ay guulaha ka sheegteen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Galgaduud ayaa waxaa weli ka socda howl-gallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo iyaguna weeraro ka fuliya gobolkaasi.



Source link