Ciidamada PSF oo nolosha ku qabtay labo nin oo Ajnabi ah oo ka badbaaday Duqeyn

Posted on




Ciidamada amniga maamulka Puntlnad ee loo yaqaan PSF ayaa nolosha ku qabtay labo nin oo ajnabi ah kana tirsanaa kooxda Daacish, kuwaa oo la sheegay in ay ka badbaadeen duqeyn 31 May ka dhacday buuraha Calmis ee gobolka Bari.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in labada nin ee ajnabiga ah oo kasoo jeeda dalka Tanzaaniya la qabtay iyaga oo baxsad ah, waxa ayna sheegeen in raggan lagu qabtay meel qiyaastii 30-km u jirta halka ay duqeynta ka dhacday.

Labadan nin ee ajnabiga ah ay qabteen ciidamada PSF ayaa magacyadooda lagu sheegay Cimraan Maxamed Calawi iyo Mabruuk Naasoor Saciiddi oo da’doodu tahay 25 sanno jiro ah, waxaana raggan lagu qabtay xoggo sirdoon oo ay heleen ciidanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dhawaan duqeymo ka dhan ah kooxda Daacish ka fuliyay deegaanka Af-cad oo kutaalla dhulka Buuraha, waxaana duqeyntaasi lagu dilay xubno kale oo katirsanaa Daacish ay ku jiraan ajaaniib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link