Ciidamada dowladda oo ku biiray dagaalka LUUQ iyo xaalada oo faraha ka baxday

Posted on

Luuq (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xaaladda kacsan ee degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana mar kale dib uga qarxay goordhow dagaal culus oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleed ku wada sugan halkaasi.

Dagaalka ayaa sii weynaanayo, waxaana uu ku sii fidayaa goobo horleh ayada oo la’isku adeegsanayo hub culus, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Luuq ay ka billowdeen isku dhacyo qabiil isla markaana dad badan oo ay ku jiraan haween lagu dilay shaqaaqooyin ka dhacay halkaasi.

“Xaaladda gobolka Gedo xoogaa isku dhac qabiil ayaa ka jiro laba beelood oo dadkii meesha daganaa ah ayaa isku dhacay dadna waa la laayay illaa 4 qof meelahaas, guryo badana waa la gubay” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka uu yeeshay weji cusub, ayna ku biireen ciidamadii joogay degmada Luuq, kadib markii ay lasoo safteen dhinacyada dagaalamaya.

“Dhibaatada ugu wayn ee meesha ka jirto waxaa weeye ciidamo dowladeed ayaa joogo oo milatari u badan oo meesha fariisin ku lahayn oo fasax ku jooga iyagaa shidada daraf ka ah oo qabiilka la socda haddii lasoo duu duubo intaas ayaa meesha ka jirta” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dambiga dadka kama wada dhexeeyo dadbaa gaystay waana la garanayaa, iyaga ayaana qaadayo mas’uuliyadda”.

Guddoomiye Cabdullahi Shimbir ayaa ugu dambeyn baaq nabadeed u diray dhinacyada dagaalamaya, wuxuuna ka codsaday inay ilaaliyaan nabadda iyo darisnimada.

Waxaa ugu baaqayaa shacabka xasiloonida iyo deganaashaha inay ilaaliyaan dagaal waxba micno ma sameynaayo, waxaana dhihi lahaa nabadda ilaaliya” ayuu mar kale yiri.

Dagaalkan sii xoogeysanaya ayaa ka bilowday laba askari oo kamid ahaa ciidamada jooga halkaas, kuwaas oo murmay ayada oo mid kamid ah goobta lagu dilay, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Kadib xaaladda ayaa kasii dartay waxaana la gubay suuqii weynaa ee degmada iyo kaam barakac oo ku yaalla halkaasi, taas oo keentay in dagaalku uu yeesho saameyn xoogan.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana gurmadyo helayo dhinacyada dagaalamaya oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada qaybo kamid ah gobolka Gedo.



Source link