Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgal burburin ah ka sameeyay dhul ku yaalla isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay saaka ku jarmaadeen xaafad ku taalla halkaasi.
Ciidamada oo ka koobnaa qaybahooda kala duwan ayaa cagta mariyay dhammaan ganacsiyadii ku yaallay Ex Control Afgooye illaa iyo xaafadda Macallin Nuur ee degmada Dharkinley, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaa sheegaya in dhulka la burburiyay la siiyay shaqsiyaad gaar ahah, ayada oo laga barakiciyay qoysas dan-yar ah oo degannaa halkaasi, sidoo kale waxaa la burburiyay ganacsiyadii yaryaraa ee ku yaallay laamiga hareerihiisa.
Sida ay ogaatay Wararka Maanta, waxaa jirtay digniin hore oo la siiyay qoysaska laga barakicyay dhulkaan, balse waxa ay sheegeen inay ku yaraatay muddada loo qabtay inay uga guuraan dhulkaasi baaxadda wayn.
Dhulkan ayaa ah mid dan-guud ah, laakiin waxaa dood xoogan ay ka taagan tahay cidda lagu wareejiyay oo loo badinayo ganasato waa wayn oo soo maray dhabarka dowladda.
Xaaladda goobta ayaa kacsan, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, maadaama halkaasi lagu soo daadiyay ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka.
Horay waxaa sidaan oo kale loo burburiyay xaafadda Dab-damiska iyo xaruntii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha ee degmada Boondheere, haddana waxa digniin kama dambeys ah la siiyay qoysaska deggan xaafadda kalluunka oo ku dhow garoonka Muqdisho.