Ciidamada dowladda oo deegaan cusub kala wareegay Al-Shabaab

Posted on




Buurhakaba (Wararka Maanta) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta deegaan cusub kala wareegay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay ka sameeyeen gobolka Baay.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada huwanta ah kula wareegeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25 KM u jira degmadaasi.

War kasoo baxay kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25km u jira degmada Buur-hakaba ku dilay xubno ka tirsan khawaarijta, iyagoo kala wareegay gacan ku haynta deegaankaasi” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku xoogan deegaanada maamulkaasi.










Source link