Ciidamada DF oo howlgal culus ku qaaday xaafadda Dab-damiska kuna bilaabay…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamo la tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgal culus kula jarmaaday xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir, halkaas oo ay ka bilaabeen howlo burburin ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska ayaa lasoo wariyay in xalay saqdhexe la geeyay gudaha xaafaddaasi oo ay horay amar uga soo saartay dowladda Soomaaliya, si looga guuro maadaama uu yahay dhul dan-guud ah.

Gaadiidka Cagaf-cagafka ayaa la geliyay gebi ahaan dhulka Dab-damiska, kuwaas oo jajabinaya guryaha ay muddada dheer daganaayeen shacabka ku dhaqan halkaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay xaafadda ka qaataan alaabtooda inta ay awoodaan, maadaama aan gaadiid loo ogoleyn halka uu howlgalka ka socdo, waxayna gacmaha iyo doodkooda ku qaadayaan inta ay awoodaan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale xiran dhammaan waddooyinka ku dhow dab-damiska, gaar ahaan Isgoyska Banaadir, illaa Seybiyaano.

Ciidamada ayaa celinaya gaadiidka iyo xittaa dadka lugeynaya, waxaana kaliya ay ogol yihiin in laga soo baxo, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Xaafadda Dab-damiska ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa xiisad xoogan, balse saaka ayay dowladdu qaaday tallaabo culus oo xoog loogu rarayo shacabka ku dhaqan halkaasi.

Wixii soo kordho kala soco caasimada.net.



Source link