Carruur walaalo ah oo miino ay kula qaraxday GALGADUUD

Posted on

Xeraale (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta carruur walaalo ah ay miino kula qaraxday magaalada Xeraale ee gobolkaasi, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Carruurta oo ahaa laba wiil iyo gabar  ayaa midka u weyn da’ahaan jiray 6 sano, waxaana ku qarxay miino ay ku ciyaarayeen, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Laba kamid ah carruurta ayaa goobta ku geeriyooday, halka mid kale dhaawac culus oo soo gaaray saacado kadib uu isna ku dhinatay isbitaal ku yaalla magaalada Xeraale.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkan uu ku reebay argagax wayn, isla markaana ay soo wajahday cabsi xoogan oo la xiriirta haraadiga hubka iyo walxaha qarxa oo dhulkaasi ku badan, maadaama ay ka jiraa dagaallo iyo colaado sokeeye.

“Meeshan waxaa ka dhacday ciyaal-baa miino ku qaraxday, miinada illaa iyo hadda meel ay ka keeneen lama yaqaano, hadda waxaan ku jirnaa aaska saddexda carrruuta ah” ayuu yiri.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

Soomaaliya waxaa inta badan la soo wariyaa waxyeello ka dhalata haraadiga hubka aan weli qarxin iyo miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay dhibaato ka soo gaarto shacabka.

Si kastaba, tan iyo dagaallada sokeeye ee wadanka ka dhacay, waxaa la arka haraadiga hubkii lagu dagaalamay oo yaallo goobo kala duwan, taasi oo inta badan ay khasaare kala kulmaan carruurta yar yar ee Soomaaliyeed.



Source link